933 Views

Waare oo War kasoo saaray Mas’uuliyiintii ku dhintay Qaraxii Shabeellaha Dhexe

Waare oo War kasoo saaray Mas’uuliyiintii ku dhintay Qaraxii Shabeellaha Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14 2019 —Madaxweynaha Dowladda Hirshabele  Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan, iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Wadada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Sh dhexe.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday” ayuu Yiri Madaxweyne Waare.

“Labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd” sidaasi Waxaa Yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Marxuumeenta Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment