978 Views

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo kulan xasaasi ah yeelanaya

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo kulan xasaasi ah yeelanaya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 22, 2020–Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah waxaa ay Xarunta Villa Hargeysa ku yeelanayaan kulan xasaasi ah oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa xildhibaanadda waxaa ay kaga doodi doonaan Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir iyo Xeerka kuraasta Goboladda Waqooyi,kaas oo ay Baarlamaanka u soo gudbiyeen Guddiga loo xilsaaray soo diyaarinta Xeerarka doorashooyinka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta uu kulanka jiro,isla markaana xeerarka ay ka doodayaan ay yihiin kuwo xasaasi ah oo dood adag dhalin doona.

labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa ay ka doodayeen Xeerka qoondada haweenka oo ah in Haweenka kuraastooda ay kaligood ku tartamaan,waxaana Xildhibaannada ay xeerkaas ku ansixiyeen Cod aqlabiyad leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furitaankii kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka labada aqal waxaa uu Xildhibaannada ka codsaday inay ka aqbalaan in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka sare.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post