927 Views

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 17, 2021 —Madaxweyne Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa kullan la qaatay xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo uu horkacayo Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Mudane Hussein HAashi Hassan.

Wafdiga xubnaha Guddiga ayaa maalmahan howlo wadatashi u jooga degaanada Galmudug kuwaas oo ay kaga warbixinayeen howlaha Guddiga u qabsoomay iyo kuwa horyaala.

Sidoo kale Xubnaha gudiga ayaa  kullamo la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweyne Ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Xubnaha Gudiga ay kulamada halkaasi kasii wadaan, isla markaana ay la kulmaan Madax ka tirsan Maamulka Galmudug.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post