465 Views

Khasaare dhashay dab xoogan oo ka kacay saldhig ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Balcad

Khasaare  dhashay dab xoogan oo  ka kacay saldhig ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay ku leeyihiin  Balcad
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 23, 2022

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay saldhig ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Haanshiikh ee duleedka waqooyi ee magaalada Balcad.

Dabka oo ka dhashay Koronto ay isticmaalayeen ciidamadaas ayaa ku fiday qaybo badan oo ka mid ah saldhigga, gaar ahaan baqaaro ay ku jireen hub iyo rasaas.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan ay sameeyeen rasaasta iyo hubka uu dabka qabsaday, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Dhacdadaan ayaa keentay inay cabsi xoogan soo wajahday dadka deegaanka oo markii hore u maleeyey in lasoo weeraray deegaanka iyo saldhigga AMISOM.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo noqday dhaq-dhaqaaqa deegaanka Haanshiikh oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada Balcad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post