1959 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Tacsi u Diray Ehelidii uu ka Geeryooday Amb. Cabdiraxiin Caabi Faarax

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Tacsi u Diray Ehelidii uu ka Geeryooday Amb. Cabdiraxiin Caabi Faarax
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 14, 2018 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Tacsi u diraya eheladii, qoysaskii iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Qaramadda Midoobay Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday magaalada New York ee dalka Maraynkanka.

“Ilaahay ha u naxariisto marxuumka, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan Rabbi haka siiyo. Amb. Cabdiraxiin Caabi Faarax waxuu ahaa halyeey Soomaaliyeed oo in badan ka soo shaqeeyay arrimaha xal u raadinta Soomaaliya, Isagoona ku dedaali jiray in ay mar kale Soomaaliya dawladnimadeedii ku soo laabato.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax wuxuu ahaa Diplomacy iyo siyaasi u soo shaqeeyay dalka Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobay, isagoona ahaa shakhsiga kaliya ee Soomaaliyeed oo noqday kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Midoobay. Sidoo kalena waxuu ahaa qofka kaliya ee ka soo jeeda qaaradda Africa kaas oo ku dhawaaday in loo doorto Xogayaha Guud ee Ururka, taas oo sharaf u ah magaca guud ee ummadda Soomaaliyeed.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment