744 Views

Booliska Minneapolis oo ka badbaaday afti lagu kala diri lahaa

Booliska Minneapolis oo ka badbaaday afti lagu kala diri lahaa
____________________________________________________________________________


Khamiis: November 4, 2021

Dadweynaha magaalada Minneapolis ayaa codbixintii Talaadada u codeeyay in Waaxda Booliiska ee Minneapolis (MPD) aan la kala dirin, waxa ayna meesha ka saareen aragtidii ahayd in Waaxda MPD lagu badalo waax loogu yeeray “Waaxda Amniga Dadweynaha” (Derpartment of Public Safety).

Ololaha ka dhanka ah booliiska ayaa soo billowday kadib dilkii George Floyd oo ahaa nin madoow oo uu dilay askari ka tirsanaa ciidanka booliiska ee magaalada Minneapolis.

Natiijada doorashada ee garabka siisay sii jiritaanka Booliiska Minneapolis, ayaa dadku waxa ay is waydiinayaan waxa ay ka badelayso aminga magaalada oo beryihii danbe aad u soo xumanaayay.

Haddaba wariyahayaga Maxamuud Mascadde, ayaa guusha booliiska iyo qodobo kale oo dadweynaha Minneapolis u codeeyeen waxa uu wax ka waydiiyay Garyaqaan Amiin Haaruun oo arrimahaan isha si gooni ah ugu hayay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post