1248 Views

Itoobiya oo Gaashaanka u daruurtay soo jeedinta Suudaan ee ku aaddan wadahadallada seddex Geesoodka ah ee ku saabsan biya-xireenka

Itoobiya oo Gaashaanka  u daruurtay soo jeedinta Suudaan ee ku aaddan wadahadallada seddex Geesoodka ah ee ku saabsan biya-xireenka
____________________________________________________________________________

 3-da Marso, 2021

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay inaan la aqbali karin soo jeedinta Suudaan ee ku aaddan wadahadallada seddex geesoodka ah ee ku saabsan biya-xireenka Itoobiya ay dhiseyso iney ku soo biiraan dhexdhexaadiyeyaal ka baxsan Midowga afrika.

Itoobiya waxay soo jeedintaasi ku tilmaantay mid wiiqeyso doorka dhexdhexaadineed uu Midowga Afrika wado.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Diinaa Muftii oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay iney suudaan ay soo jeedisay howlaha dhexdhexaadinta iney ku soo biiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Suudaan waxay sheegtay haddii ay dhexdhexaadinta qaybahaasi ay ku soo biirin buuxinta biyaha biyo xireenka ee ay Itoobiya keligeed wadato inuu waxtar u lahaan doonin.

Diinaa Muftii wuxuu ku nuuxnuuxsaday wadahadallada seddex geesoodka ah uu hoggaaminayo midowga Afrika inuu waxtar weyn u leeyahay dhinacyada wadahadalka uu ka dhaxeeyo ee Itoobiya, Masar iyo Suudaan.

Wuxuuna intaa ku daray iney Itoobiya marnaba aqbaleyn hadalka ka soo yeeray Suudaan ee ah iney Itoobiya wadahadalka ay sii dheereyneyso, balse wuxuu caddeeyey ilaa iyo hadda inaan wax heshiis ah oo la taaban karo aan laga gaarin wadahadalladii muddada dheer soo socday.

Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa isku mari la’ habka loo maareynayo biyaha biyo-xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile oo ay Masar iyo Suudaan aaminsan yihiin inuu biya xireenka Itoobiya ay waddo uu u horseedayo biya yari soo foodsaarto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post