603 Views

deg deg : Qarax uu ka badbaaday taliyaha Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo goor dhawayd ka dhacay Muqdisho.

deg deg :  Qarax uu ka badbaaday taliyaha Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo goor dhawayd ka dhacay Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Culus oo ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo ka dhacay goor dhawayd Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo laga maqlay inta Badan magaalada Muqdisho dhawaqiisa ayaa lala eegtay gaadiid uu la socday taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Zoobe iyo Banaaidr ee  magaalada Muqdisho, waxaa uu geystay khasaare kala duwan.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu weeraray taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo la socday kolonyo gaadiid ah oo mareysay halkaasi.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha Qaraxaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post