1212 Views

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in aysan aqbaleyn in dib loo dhigo dacwadda Badda

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in aysan aqbaleyn in dib loo dhigo dacwadda Badda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 11 2021Xilli dowladda Kenya Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ka codsatay in makii Afaraad dib loo dhigo dacwadda Badda oo kala dhaxeeysa Soomaaliya ayaa waxaa kasoo horjeestay dalabkaas dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Kenya u gudbisay Maxkamadda ICJ in dib loo dhigo kiiska badda ,balse  marnaba aqbaleyn Dowladda Soomaaliya in kiiska badda dib loo dhigo.

Wasiirka oo Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Muqdisho waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Maxkamadda ICJ u gudbisay qoraal ay ku cadeyneyso inay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwadda badda, isla markaana aysan aqbaleyn in dib loo digo kiiska badda.

Waxaa uu sheegay in Kenya ay dhowr jeer kiiska Badda codsatay in dib loo dhigo, waxaana uu ku eedeeyay in aysan dooneyn in kiiskaas la qaado ayna dooneyn inay cadaaladda hortagaan.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in Kenya si ay mar marsiiyo ugu hesho ay dhamaan shaqadii ka ceyrisay qareenadii u doodayay, waxaana uu markale ku celiyay in Dowladda  Soomaaliya uu go’ankeedu yahay in kiiskaasi la qaado waqtigii Maxkamadda iclaamisay.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe  waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida  inay hal meel uga soo wada jeestaan cadowga Soomaaliya una diyaar garoobaan difaaca dalka

Kiiska dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya ayaa Soomaaliya waxaa ay Maxkamadda ICJ u gudbisay Bishii Agoosto sanadkii 2014-kii, waxaana ay soo martay heerar kala duwan.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post