894 Views

Hilibka jiir ee ay jecelyihiin maafiyada Talyaaniga

Hilibka jiir ee ay jecelyihiin maafiyada Talyaaniga
____________________________________________________________________________


Axad: October 17, 2021

Boolis weerar baadhitaan ah ku waday beer laga beero xashiishadda oo ku taal koonfurta Talyaaniga ayaa qabtay 235 xabbo oo jiir tallaagad lagu hayey, taas oo la sheegay in noocaa jiirka ka midka ah ee la yidhaa dormice uu yahay cunto ay jecelyihiin maafiyadu.

Ka dib markii ay ogaadeen in ka badan 700 oo meelood oo laga beero xashiishadda, ayaa boolisku go’aansadeen in ay baadhaan guryo aaggaa ku yaalay waxaanay ka heleen sanaadiiq iyo tallaagado ay ka buuxdo raqda jiirkaasi.

Saddex qof ayaa goobta lagu xidhay.

Ururada u dooda daryeelka duur joogta ayaa sheegay in hilibka jiirkaas oo la dubay lagu maamuuso xubnaha sarsare ee maafiyada ah marka ay casuumadaha u fidinayso kooxda awoodda badan ee maafiyada ah ee la yidhaa Calabrian ‘Ndrangheta.

Gabraaratada ayaa sifo sharci darro ah u soo dabta jiirka noocan ah ee sharcigu xaaraantimeeyey in la ugaadhsado kaymaha buuraladyada Aspromonte ka dibna ka iibiya makhaayadaha sida uu sheegay ururka ilaalada duurjoogta Talyaaniga ee Lipu.

Booliska ayaa sheegay in raqda jiirkaa la helay Sabtidii ka dib markii la baadhay beer ku taala Reggio Calabria ka dibna baadhitaanka lagu sii waday guryo dunsan oo halkaa u dhawaa.

Waxa la sheegay in hogaamiyeyaasha maafiyada ‘Ndrangheta, kuwooda ugu sarsareeyaa ay go’aamada waaweyn ku gaadhaan iyaga oo ay hor yaallo saxan uu ka buuxo jiirkaasi, waxaana sidaa ku waramay wargeyska Talyaaniga ka soo baxa ee Il Corriere della Sera.

Jiirkan Dormice ee la cunaa wuxuu tan iyo xiligii Roomaankii hore ahaa cunto aad loo jecelyahay. Waxa lagu naaxin jiray xeryo ka dibna inta la gawraco ayaa laga buuxin jiray hilib doofaar muqmad laga dhigay, laws iyo toon oo la dubi jiray.

Ilaa haatan waxa laga cunaa Croatia iyo Slovenia.

Maafiyada ‘Ndrangheta waxay ka mid tahay kuwa ugu hantida badan kooxaha falal dambiyeedka ku macaasha dunida waxaanay ka jirtaa gobolka Calabria ee koonfurta Talyaaniga.

Mudo sannado ah ayay daroogada cocaine-ka oo ay ka keenaan Latin America iyo xashiishada oo ay ka soo waaridaan Woqooyiga Afrika keenayeen Yurub.

VOA

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post