831 Views

jabhadda hubeysan ee SSC oo xalay weerar ku qaaday gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

jabhadda hubeysan ee SSC oo xalay  weerar ku qaaday gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.
____________________________________________________________________________

khamiis: December 16, 2021

Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay jabhadda hubeysan ee SSC ee uu hoggaamiyo Col. Feysal Falaalug ay weerar ku qaaday gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi oo dhaca waqooyiga dalka.

Weerarka oo dhaxay xilli saq dhexe ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray jabhadda iyo sidoo kale ciidamada Somaliland ee ka howl-gala halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac oo ka dhaceysa xaafadaha qaar ee magaalada Laascaanood, waxaana ay intaasi ku dareen inay soo wajahday cabsi aad u xoogan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland.

Dagaalka ayaa markii dambe istaagay, waxaana dib u noqday xoogagii jabhadda SSC ee weerar culus ku qaaday halkaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana hadda qeybo ka mid ah magaalada howlgallo ka wada ciidamada Somaliland oo baadi goobaya raggii weerarka kusoo qaaday oo dib u laabtay.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobolka Sool laga dareemayey dhaq-dhaqaaqyo uu ka wado Feysal Falaalug oo si weyn uga soo horjeedo xukuumadda Somaliland, iyada oo xiisadda labada dhinac ay soo taagneyd muddo aad u dheer.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post