1143 Views

SAWIRO:-Itoobiya oo sirasmi ah ula wareegtay xilka Xogheyaha fulinta IGAD

SAWIRO:-Itoobiya oo sirasmi ah ula wareegtay xilka Xogheyaha fulinta IGAD
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 08, 2019–Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sirasmi ah ula wareegay xilka Xogheyaha fulinta IGAD , xilkaas oo uu dhawaan u Magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

 

Dowladda Somalia oo loolan adag ugu jirtay heliada xilkaas ayaa waxaa ay u sharaxday Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda C/salaam hadliye Cumar,hayeeshee dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo isku wareejiyey xilalka xoghayaha iyo guddoonka IGAD ayaa markale waxaa ay la wareegeen labadaasi xil.

 

Xogheyaha fulinta IGAD ayaa waxaa horay u ahaa Maxbuub Macalin,waxaana haatan uu xilka sirasmi ah ugu wareejiyey Xoghayaha Cusub ee Fulinta IGAD Dr Workneh Gebeyehu.

 

Shir ay dhawaan ku yeesheen Madaxda Urur Goboleedka IGAD Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa laga shaaciyey in Soomaaliya u tanaasushay Itoobiya,balse Jabuuti ay diiday taas oo keentay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu safar deg deg ag ku tago si uu u qanciyo.

 

Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa waxaa ay kala hoggaamin doonaan Xoghayaha Fulinta IGAD iyo Guddoonka IGAD oo dhawaan uu la wareegi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment