768 Views

Taliyaha Cusub ee AMISOM oo gudoomiyaha Gobolka Hiraan iyo ciidankiisa kala hadlay sugida nabadgalyada.

Taliyaha Cusub ee AMISOM oo gudoomiyaha Gobolka Hiraan iyo ciidankiisa kala hadlay sugida nabadgalyada.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 17 2020—Taliyaha cusub ee Ciidanka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) General Diomede Ndegeya ayaa booqday xerada ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beletweyne oo ay daganyihiin ciidamada qalabka sida ee Jabuuti (DJAF) iyo Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) taas taliyuhu ku sheegay Isbarashada qaybta 4 aad ee ciidanka Midowga Afrika.

Gen. Ndegeya iyo wafdigiisa markii ay gareen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beletweyne oo ay daganyihiin ciidamada AMISOM, waxaa qaabilay taliyaha qeybta 4aad Col. C / raxmaan Riyaale Xareed iyo saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM.intaa ka dib waxa uu kormeeray qaybaha ay ka koobantahay xera 4-aad isagoo markii dambe kulan albaabada uxiran la qaatay taliyaha qaybta iyo saraakiishiisa sare sida lagu sheegay war ka soo baxay AMISOM.

Taliyaha ciidamada AMISOMGen. Ndegeya ayaa sidoo kale la kulmay gudoomiyaha gobolka Hiiran Cali Jeyte cusmaan oo ka warbixiyay xaalada gobolka iyo sida ay uwada howlgalaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka shaqaynta nabada iyo amaanka gobolka.

Gen. Ndegeya ayaa ku amaanay ciidamada AMISOM qeybta 4-aad dagaaladii la galeen xoogga Al Shabaab sidoo kale ku bogaadiyey in ay qayb ka qaateen samata bixinta dadkii ay saameeyeen daadadkii ku rogmaday magaaladda Beladweyne ka dib markii webiga Shabeelle uu karkaarada jabsaday.

“Waxaad ku guuleysateen inaad cadowga iska celisaan taasna waxay ka caawisay shacabka Dowlad Goboleedka Hirshabelle gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Hiiraan iyo Beletweyne in ay si hufan Beletweyne ugu helaan nasasho iyo fursad si nabad ugu haystaan ganacsigooda ayna ku beertaan dhulkooda”ayuu yiri Gen. Ndegeya.

Taliyaha qeybta 4-aad ee AMISOM, gaashaanle sare Cabdiraxmaan Riyaale Xareed ayaa uga mahadceliyay taliyaha ciidamada booqashadiisa wuxuuna sheegay in ciidamada mooralkoodu uu sareeyo si ay u gutaan waajibaadkooda.

“Maanta, waxa aan soo dhawaynay taliyaha Xoogga, General Diomede oo u yimid booqasho qiimeyn iyo hordhac ah xerada 4. Wuxuu rabay in uu fahmo waxa ay qabanayaan ciidamada 4-aad, waxaan uga warbixiney xaalada guud ee siyaasada iyo howlgalka, ”ayuu yiri Col. Riyaale.

Gen. Ndegeya booqashadiisii ugu horeysay taliska Beletweyne iyo Sector 4 tan iyo markii uu la wareegay hogaanka AMISOM horaantii bishaan. AMISOM ayaa  Soomaaliya ku leh 5 waaxood oo ay ka howlgalaan ciidamada Uganda, Kenya, Itoobiya, Burundi iyo Jabuuti.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post