756 Views

Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 3da Maarso, 2021:-Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in ay gaari ku rasaaseeyeen degaanka Mirocowleed oo hoostaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa sida la sheegay waday Qaad ( Jaad), waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in weerarka ay ku dhinteen laba ruux mid kalena uu ku dhaawacmay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in falkan uu la xiriirinayo aanooyin qabiil oo bilihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano hoostaga Magaalada ee Gobolka Galgaduud, iyada oo saaka xiisad ka dhalatay dilkaas ay taagan tahay.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa  degaannada Galmudug kusoo batay dilalka lala xiriirinayo aanooyinka qabiil, iyada oo qaarkood dagaal beeleedyo dhacay xal lag gaaray halka kuwo kale aan weli lagu guuleysan xalintooda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post