909 Views

Mareykanka iyo Jubbaland oo ka wadahadlay dagaalka Al-Shabaab

Mareykanka iyo Jubbaland oo ka wadahadlay dagaalka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 09, 2021==Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo sarakiil kale.

Wafdiggaan oo ka socday taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa gaaray Magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah A-Shabaab iyo tageerada howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay kala shaqeyn doonaan dagaalka Al-Shabaab ayna dhawaan qaadi doonaan howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka.

Shalay aheyd markii Magaalada Kismaayo uu gaaray taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed wuuna la kulmay Madaxweynaha Jubbaland.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post