1050 Views

Wasiir ka badbaaday Shil gaari iyo Ilaaladiisii oo ku dhaawacantay

Wasiir ka badbaaday Shil gaari iyo Ilaaladiisii oo ku dhaawacantay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 1,, 2019  –Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in shil gaari oo khasaare geystay oo uu goor dhow ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

 

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug gaadiidka rogmaday ayaa waxaa saarnaa Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf, waxaana dhaawacyo ay soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladda Wasiirka.

 

Wasiir Saadaq ayaa la xaqiijiyay in uu Caafimaad qabo laakiin qaar ka mid ah Askartii la socotay ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

 

Dhaawacyadda ayaa lasoo gaarsiiyay Magaalada Dhuusamareeb sidda ay sheegeen qaar ka mid ah Wariyeyaasha Magaalada Dhuusamareeb.

 

Wasiirka ayaa kormeer ugu tagay Ciidamo ka tirsan Galmudug oo Saldhig ku leh duleedka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu shilkaasi dhacay xilli ay kusoo jeedeen Magaalada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment