756 Views

Cabdikariim Guuleed oo soo dhaweeyay warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka

Cabdikariim  Guuleed oo soo dhaweeyay warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka
____________________________________________________________________________


isniin: August 23, 2021

Musharax madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed oo kamid ah xubnaha midowga musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay warmurtiyeedkii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in dalku uu u baahan yahay horu-socod iyo in hey,adihiisa dastuuriga ah dib loo soo doorto. waxa uuna ku baaqay in danta guud laga hormariyo danta gaarka ah.

Sidoo kale  waxa uu sheegay in daraasad iyo wadatashi dheer ka dib uu soo dhaweynayo natiijada ka soo baxday shirka golaha wada tashiga Qaran iyo habraacyada kabaya heshiiskii 17 September ee uu golahu soo saaray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post