2256 Views

Al Shabaab oo Xarar-dheere ku xiray Haween

Al Shabaab oo Xarar-dheere ku xiray Haween
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 7, 2018 – Ururka Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe axa ay xabsiga dhigeen Afar haween ah oo sida la sheegay diiday in caruurtooda ay Al Shabaab ku wareejiyaan, Shabaab ayaa horey dadka degaanka uga dalbaday inay caruurtooday ay keenaan si dagaalada ay uga qeyb qaataan.

Haweenkan ayaa waxaa la sheegay in caruurtooda ay si dhuumaaleysi ah ku saareen gaadiid oo ay u direen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Qof ku sugan degmada Xarar-dheere ayaa waxa uu sheegay in haweenkan laga soo xiray tuulada Caliyaale oo u dhaw degmada Xarar-dheere, islamarkaana hada ay ku jiraan gacanta xabsi ay maamulaan Shabaab.

Odayaasha degaanka ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay ku soo daayaan hooyooyinkan ay xireen Al Shabaab, kuwaasi oo lagu heysto inay caruurtooda u diidaan dagaalada.

Ururka Al Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxa ay cadaadis ku hayeen dadka degan degmada Xarar-dheere iyo degaanada u dhaw, halkaasi oo bil kahor ay ku dagaalameen Shabab iyo dadka degaanka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment