1824 Views

Somaliland iyo Puntland oo dhalinyaro kala afduubtay

Somaliland iyo Puntland oo dhalinyaro kala afduubtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 13, 2018 – Wararka naga soo gaaraya degaanada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in saacaddihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen Afduubyo loo geystay dhalinyaro kasoo kala jeedda labada maamul.

Labo dhalinyaro ah oo kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa lagu Afduubtay degmada Caynabo, waxaana sidoo kale la sheegay in meel u dhow degaanka Tukaraq lagu Afduubtay dhalinyaro kasoo jeedda maamulka Somaliland.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan gobolka Sool dhalinyaradda kasoo jeedda maamulka Somaliland ayaa kusoo jeeday Magaalada Garowe, waxaana ay doonaayeen in halkaasi ka qaataan Passapoorka Soomaaliga.

Sidoo kale dhalinyaradda kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa ku sugnaa degmada Caynabo ayaa la sheegay in ay halkaasi u joogeen howlo shaqo.

Afduubka ayaa waxaa geystay Maleeshiyo Beeledyo sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Waxgaradka labada dhinac ayaa wadda dadaallo ay ku doonayaan in ay dib xoriyadooda ugu soo celiyaan dhalinyaradaasi.

Dhawaan ayay aheyd Markii Magaalada Garowe lagu Afduubtay dhalinyaro kasoo jeeda Somaliland,kuwaasoo markii dambe ay ku guuleysteen in ay soo daayaan waxgaradka labada dhinac.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI       

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment