600 Views

Dadka Nigeria oo u Ducaynaya Caruurtii lagu afduubtay schoolada si Ilaahey u soo sii daayo

Dadka Nigeria oo u Ducaynaya Caruurtii lagu afduubtay schoolada si Ilaahey u soo sii daayo
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 24 2021

Dadka reer Zaria ee dalka Nigeria, ayaa qabanayey xaflado duco illaa iyo muddo gaareysa toddobaad, si Ilaahey usoo sii daayo dad laga afduubtey.

Dr Shamsuddeen Aliyu, Yasin, oo katirsan iskuulka Yasin Shield, kana mid ah madaxda hoggaamineysa isu soo baxa ducada, ayaa u sheegay BBC-da in xafladda ducadan lagu qabtey fagaaraha weyn ee Zaria.Wuxuu intaa ku darey in boqolaal qof ay kasoo qeyb galeen xaflada ducada, si Ilaahey ugga qabto dableyda hubeysan ee aalaaba ka geysta afduubta Zaria.

Sheekha ayaa tilmaamey inaaney laheyn ikhtiyaar kale, laakiin ay u noqonayaan Ilaahey, si mashaqan ku habsatey uu ugga dulqaado.

Dalka Nigeria ayaa waxaa kusoo noqnoqda afduubashada, iyadoo dowladda dhexe inta badan la daalaa dhacdo sidii ay usoo furan laheyd dadka la qafaashey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post