216 Views

Taalibaan oo goob fagaaro ah xukun kula fulisay 9 qof

Taalibaan oo goob fagaaro ah  xukun kula fulisay 9 qof
____________________________________________________________________________

Maxkamadda Imaaradda Islaamka ee dalka Afgaanistaan ee ku taalla magaalladda Khandahaar ee Koonfurta dalkaasi waxay Xukun Jeydal ah ku fulisay 9 qof oo lagu soo oogay inay geysteen Dembiyada kala ah Sineysi iyo Tuuganimo.

War Saxafadeed ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka ee Gobalka Khandahaar waxaa lagu sheegay in Dadweyne aad u badan isugu yimaadaan Garoonka Ciyaaraha ee magaalladda Khandahaar, halkaasi oo lagu fuliyey Xukunka xadka ee 9-ka Eedeysane.

Dhanka kale, Ilo-wareedyo Rasmi ah ayaa sheegay in Maamulka Imaarada Islaamka ee Afgaanistaan ay Xukun Tacsiir (Jaydal) ku fuliyeen Nin iyo Naag goob Fagaare ah oo ku taalla Gobalka Badakhshan ee W/Bari ee dalkaasi.

Eedeysanayaashaasi ayaa waxaa lagu helay arrimo ka baxsan Guurka.

Qalinka: Ustaad Nuuradin Abuukar

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post