1317 Views

Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Sababta Loo Eryey Wakiilka QM

Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Sababta Loo Eryey Wakiilka QM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  January 02, 2019 —Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay sababtii dalka looga Eryay Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Nicholas Haysom uu dhinac maray shaqadii diblomaasiyadeed,isla markaana uu u dhaqmay Nin Madax ka ah oo kale dowlada Federaalka uuna ku xad gudbay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo la hadlay BBC-da  ayaa tilmaamay in dhowr jeer qalalaad iyo warar uu dowlada kala tashan uu sameeyay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ay ugu dambeeysay warqadii uu u qoray  Wasiirka amniga,isla markaana uu u la hadlay Wasiirka amniga sidii isaga qof ka tala qaato oo kale.

Waxaa uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibada in dalka Soomaaliya ay madax ka yihiin dad Soomaaliyeed Go’aanka ay leeyihiin qofkii somaliya ka shaqeynaya iyo qofkii kaleba,isagoona xusay in Wakiilka Gaarka Ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom loo sheegay in Soomaaliya laga rabin,isla markaana uusan ka shaqayn karin.

Hadalkaan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili habeen hore Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom uu ka hadlay xarigii Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo banaanbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Magalada Bayhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment