951 Views

RW Rooble oo la kulmay Xoghayaha Jaamacadda Carabta

RW Rooble oo la kulmay Xoghayaha Jaamacadda Carabta
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 17, 2021 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd.

Xog-hayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka JC isagoo ku soo wareejiyay qeynaha ay ka kooban tahay.

Dr. Axmed Abulqeyd ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashooyinka iyo dib- u heshiinta, isagoo ballan qaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo tilmaamay in Soomaaliya oo xubin ka ah dalalka Jaamacadda Carabtu ay taageero dheeri ah ka fileyso walaalaheeda ku bahoobay JC, gaar ahan xilligan muhiimka ah ee dalku galay doorashada.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post