453 Views

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka oo ku eedeeyay Mareykanka in uu wado olole dacaayad ah oo ku saabsan duulaanka Ruushka ee dhanka ah Ukraine

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka oo  ku eedeeyay Mareykanka in uu wado olole dacaayad ah oo ku saabsan duulaanka Ruushka ee dhanka ah Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: February 12, 2022

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov, ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu wado olole dacaayad ah oo ku saabsan duulaanka Ruushka ee dhanka ah Ukraine. Waxa uu arrin sheegay mar uu telefoonka kula hadlay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken.

Mr Lavrov ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka iyo Midowga Yurub labaduba ay iska indhatireen dalabaadka amniga ee Ruushka.

Ukraine lafteeda Ruushku wuxuu xaqiijiyay inuu dhimayo tirada dublamaasiyiinta safaaradda uu ku leeyahay Kyiv.

Xukuumadda Moscow ayaa marar badan beenisay inay duulaan ku tahay Ukraine, inkastoo ay ciidan ka badan 100,000 oo askari ay ku daabushay meel u dhaw xuduudda labada dal.

Dalal badan ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Ukraine, waxaana kamid ah UK, Canada, Netherlands, Latvia, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden iyo Emmanuel Macron-ka Faransiiska ayaa si gooni gooni ah taleefoon kula hadli doona madaxweyne Vladimir Putin gelinka dambe ee sabtida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post