1083 Views

Saadaq Joon oo taageero horleh ka helay Xildhibaano & Mas’uuliyiin

Saadaq Joon oo taageero horleh ka helay Xildhibaano & Mas’uuliyiin
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 17 2021–Xaafada Shiirkole oo uu farisiin ka sameystay Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon ayaa waxaa gaaray Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo wata Ciidamo farabadan.

Xildhibaannada oo ay kamid yihiin Sanoter Cabdi Axmed Dhuluxow ( Dhagdheer) Senator Dhageey Geelle Ugaas, Xildhibaan Xuseen Iidow Xildhibaan Maxamed Nuur & mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ay sheegeen inay garab taagan yihiin Saadaq Joon.

Senator Dhageey Geelle Ugaas ayaa uga mahad celiyay dadka ku nool xaafada Shiirkole oo uu sheegay inay u dhabar adeegeen cagajugelyn uga timid Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in marnaba aysan suurtagal aheyn in Barlamaanka ooh al aqal kaliya ah ay muddo kordhin sharci darro ah sameeyaan, waxaana uu si cad u sheegay inay iska difaaci doonaan Farmaajo iyo Ciidamada uu wato.

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka tirsa n Golaha Shacabka ayaa dhankiisa sheegay in uu yahay xaasid qofkii doonaya in uu colaad ka abuuro xabadna ka rido degaanka nabdoon ee Xaafada Shiirkole sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Janeraal Saadaq Joon lagu heysto in uu runta sheegay kana horyimid muddo kororis, waxaana uu cadeeyay inay garab taagan yihiin Saadaq Joon, isla markaana wixii dalka ka dhaca uu mas’uuliyadiisa qaadi doono Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Habeenkii labaad ayaa Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon waxaa uu ku sugan yahay xaafada Shiirkole ee degmada Hodan, halkaas oo uu Ciidamo farabadan oo daacad u ah uu ku heysto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post