699 Views

Ciidamada Galmudug oo deegaanka Qaycad kala wareegay Al-shabaab saakay

Ciidamada Galmudug oo deegaanka Qaycad kala wareegay Al-shabaab saakay
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 22 2021

Ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ayaa saakay si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Qaycad oo maalmihii la soo dhaafay dagaal culus lagula galay Al-shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada amniga ee maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay shabaabkii ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

“Kooxda Alshabaab ee jabku ku dhacay ayaa maleeshiyaadkoodii ay bilaabeen in ay furimaha kala duwan isku soo dhiibaan, qaar kalena ayagoo firxad ah lagu arkay deegaamo badan, halka dhanka kalena ay ciidamada huwanta ahi ay magaalooyin iyo Goobo istiraatiiji ah oo kale ay ku sii siqayaan,Waxaa la gaaray jabkii iyo kala firxadkii argagixisada, waxaana bilowday guushii shacabka Soomaaliyeed”. ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada amniga ee maamulka Galmudug.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post