750 Views

Waaxda maaliyadda ee dalka oo 23 milyan oo dollar loogu tala galay Dagaalka Al-shabaab Lunsatay

Waaxda maaliyadda ee dalka oo  23 milyan oo dollar loogu tala galay Dagaalka Al-shabaab Lunsatay
____________________________________________________________________________

Arbaco: july 21 2021

Waaxda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa meel ku sheegi weyday in ka badan 23 milyan oo dollar oo uu dalkaas ka helay Midowga Afrika si loogu maalgeliyo ciidamadiisa qeybta ka ah la dagaalka Al-Shabaab, sida ay ku sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Xoghayaha maaliyadda Kenya, Dr Julius Muia, ayaa dhawaan ku guuldareystay in uu sharraxaad ka bixiyo lacag malaayiin dollar ah oo ka maqan dhaqaalaha uu Midowga Afrika ugu tala-galay ciidamada la dagaallamaya Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday hanti dhowraha guud ee Kenya oo ku saabsan miisaniyad sanadeedka 2018/19 ayaa lagu sheegay in lacagtaas aysan gaarin ciidanka Kenya ugu jira AMISOM oo tiro ahaan lagu sheegay 3,600 oo askari.

Warbaahinta oo soo xigatay warqad 26-dii bishii July sanadkii 2018 uu wasiirkii maaliyadda Kenya u qoray xoghayihii gaashaandhigga ayaa waxay muujineysay in Kenya ay Midowga Afrika ka sugeysay lacag dhan 78 milyan oo dollar in muddo ah iyadoo dib u eegis lagu sameynayay arrintaas.

Guddiga baarlamaanka ee arrimaha maaliyadda ayaa xoghayaha maaliyadda Kenya su’aalo dhowr ah ka weydiyay arrinta ku saabsan in uu meel ku sheego lacagaha maqan, gaar ahaan farqiga u dhexeeya warbixinta hanti dhowraha iyo diiwaankii uu horraan soo gudbiyay wasiirkii hore ee maaliyadda ee ku aadan kharashaadka ku baxay ciidamada Kenya ka joogo Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ayaa dejistay qorshe ah in bisha Disembar 2021 ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo amniga dalka, balse khuburada arrimaha ammaanka ayaa su’aal gelinaya suuragalnimada arrintasi.

Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa bishii hore laga jaray 66 boqolkiiba oo ah in ka badan 45 milyan oo dollar.

Arrintan ayaa dhaqangeleysa sanad maaliyadeedka cusub ee bilowday bisha July, maadaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo inay ka baxaan Soomaaliya taas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

iidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jabuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

Deeqaha la siiyo Kenya waxaa badanaa loo soo mariyaa Xarunta Nabadda ee Midowga Afrika. Askarta la dagaallameysa Al-Shabaab ayaa sida caadiga ah waxay shaqeeyaan muddo hal sano ah oo laga yaabo in loo kordhiyo.

Goor sii horeysay qiyaasta mishaarka ay qaataan ciidamada Amisom ayaa muujinayay in askari kasta uu bishi qaato 1,028 oo doolar. Dowladahooda ayaa markaa ka jaraya qiyaastii $ 200.

Saraakiisha Kenya waxay ku doodayaan in joogitaanka Kenya ee Soomaaliya uu weli yahay mid muhiim ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post