1245 Views

Museveni oo Madaxweyne Farmaajo kula taliyay in uu dhimo mushaarka Ciidanka Somaliya

Museveni oo Madaxweyne Farmaajo kula taliyay in uu dhimo mushaarka Ciidanka Somaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 30, 2019 —Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa goob fagaare ah ka sheegay hadal gaar ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

 

Mr Museveni ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u sheegay in dalkiisa uu la bur bursanyahay sharci la’aanta.

 

“waxaan u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya, in uusan yeelan karin dowlad shaqeyneysa haddii xeerarka dalka aysan diyaarsaneyn”, ayuu yiri Madaxweyne Museveni oo ka hadlayay kulan isaga iyo Farmaajo si gaar ah u dhexmaray wixii ay uga wadahadleen.

 

Waxaa uu intaas ku daray in uu Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu marka hore dhiso sharciyada dalka kaddibna ay muwaaddiniinta billaabaan bixinta Canshuurta iyada oo la dhaqan gelinayo xeerarka dalka, markaas kaddibna ay iman karto dowlad shaqeysa oo bixisa mushaarka ciidanka.

 

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa hadalkan xalay ka sheegay kulan uu aqalka Madaxtooyada Uganda kula qaatay 19 Jeneraal oo ka mid ahaa Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya kuwaas oo uu uga warbixinayay talada uu siiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Waxaa Saraakiisha uu la kulmay ee howlgabka noqday ka mid ah Joram Mugume, waxaana uu ku bogaadiyay howsha wanaagsan ee ay ka qabteen Soomaaliya.

 

Museveni ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu yareeyo mushaarka Ciidamada laakiin uu adkeeyo xeerarka dalka, ciidan xoog lehna dhisto, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment