306 Views

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis oo la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada ku taalla badda cas ee Jeddah

Boqorka Sacuudiga  Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis oo  la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada ku taalla badda cas ee Jeddah
____________________________________________________________________________

Axad: May 8, 2022

Boqorka Sacuudiga Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada ku taalla badda cas ee Jeddah, si baaritaanno caafimaad loogu sameeyo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga Axaddii.

Wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ayaa soo xiganeysay bayaan ka soo baxay maxkamadda boqortooyada, waxaana warku wuxuu intaa ku daray in uu baaritaan ku marayo cisbitaalka takhasuska ee Boqor Faysal, iyada oo aan faahfaahin kale laga bixin.

Boqor Salmaan, ayaa noqday hoggaamiyaha dalka ugu sareeya dhoofinta saliidda adduunka sanadkii 2015 kadib markii uu in ka badan 2-1/2 sano ku qaatay xilka dhaxal sugaha iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Boqorka, oo 86 jir ah, ayaa qalliin looga sameeyay xameetida sanadkii 2020, isaga oo sidoo kale galay qalliin dhanka wadnaha ah bishii Maarso.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post