750 Views

Weerar loo adeegsaday bambo gacmeed oo ku dhaawacmeen Saddex xildhibaan oo ka tirsan Hirshabeelle

Weerar loo adeegsaday bambo gacmeed oo ku dhaawacmeen Saddex xildhibaan oo ka tirsan  Hirshabeelle
____________________________________________________________________________


Sabti: September 4, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Weerar loo adeegsaday bambo gacmeed oo ay ku dhaawacmeen Saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle uu  xalay ka dhacay magaalada Jowhar.

Weerarka bambo gacmeedkaa halka lagu tuuray ayaa ah  xaafad ay si weyn u degen yihiin musharaxiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka ayna ka fogeyn hotelada waaweyn ee magaalada.

Xaaladda Caafimaad ee xildhibaanada ayaa la sheegay in ay soo hagaageyso , waxaa la sheegay in dhaawacyadooda ay fudud yihiin.

Sidoo kale Ciidamada amaanka magaalada Jowhar ayaa saakay Howlgalo dadka guryaha loogu galayo saakay oo sabti ah ka socda xaafadda Hanti-wadaag gaar ahaan laanta koowaad ee magaalada Jowhar halkaas oo uu xalay ka dhacay Qarax bam gacmeedka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post