2340 Views

Hindiya oo diiwaan galisay tirada dhimashada ugu badan ee maalinlaha ah ee Covid19

Hindiya oo  diiwaan galisay tirada dhimashada ugu badan ee maalinlaha ah ee Covid19
____________________________________________________________________________

May 2-2021

Hindiya ayaa diiwaan galisay tirada dhimashada ugu badan ee maalinlaha ah ee coronavirus tan iyo markii uu faafay cudurka safmarka ee korona.

Maalin ka hor ayey Hindiya noqotay dalkii ugu horreeyay ee laga helay in ka badan 400,000 oo kiisas cusub ah.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 3,689 qof ay dhinteen 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Raiisal wasaare Narendra Modi ayaa la kulmay wasiirka caafimaadka subaxnimadii Axada si uu dib ugu eego dhibaatada ka jira dalkiisa.

Isbitaalada ayaa la dagaallamaya daaweynta bukaanada iyada oo ay jirto sariiro iyo oksijiin la’aan.

Hindiya ayaa diiwaan galisay in ka badan 19 milyan oo kiis oo coronavirus ah .

Waxay sidoo kale xaqiijisay dhimashada in ka badan 215,000 o qof, inkasta oo tirada dhabta ah loo maleynayo inay intaas ka sii badan tahay.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post