1029 Views

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda Midowga Yurub

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda Midowga Yurub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado , Feberaayo 24, 2020 —Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa kulan ku yeeshay Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland iyo madax ka socota Midowga Yurub, gaar ahaan qaybta dowladnimada iyo Dimuqraadiyada.

 

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen  sidii Midowga Yurub uga qayb qaadan lahaa hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

 

 

 

Ilo xog-ogaal ah ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen  la isku raacay in laga wada Shaqeeyo hirgelinta hannaankaan,iiyada oo dhowaan wadashaqaynta labada dhinac bilaaban doonto.

 

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay kulamo kala duwan la qaataan Madax ka tirsan Dowladaha taageera Soomaaliya ee ku sugan  Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment