1209 Views

SAWIRO:-Axmed Madoobe oo dalacsiiyey Taliyaha Amniga Garoonka Kismaayo

SAWIRO:-Axmed Madoobe oo dalacsiiyey Taliyaha Amniga Garoonka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October16–2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa manta oo Arbaco ah waxaa uu dalacsiiyey  gaashaanle Sadiiq Maxamuud Dhogor oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Jubbaland.

 

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa darajada Gaashaanle dhexe loo dalacsiiyey Sadiiq Maxamuud Dhogor oo ah Taliyaha Amniga Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

 

Madaxweynen Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadaalkiisa iyo kartida uu shaqada u leeyahay ay sababtay dalacsiinta,isla markaana uu ku boorinayo in shaqada uu sii dardar galiyo.

 

Taliyaha Amniga Garoonka Kismaayo ee Maanta la dalacsiiyey ayaa intii ay socdeen howlaha doorashooyinka waxaa uu siwyen u adkeeyey Amniga Garoonka,isaga oo sidoo kale hubinaya mas’uuliyiin kazoo dageysa maadaama qaarkood laga mamnuucay inay tagaan Magaalada Kismaayo sida wufuuda dowoladda federaalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment