279 Views

Dowladda Soomaaliya Oo Shirkadaha Bixiya Adeegga Maraakiibta Digniin Culus U Dirtay

Dowladda Soomaaliya Oo Shirkadaha Bixiya Adeegga Maraakiibta Digniin Culus U Dirtay
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 20, 2022

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa uga digtay shirkadaha bixiya adeegga Maraakiibta (Ship Agents) inay xogta badeecadaha ay dalka keenaan la wadaagaan Kooxda Al-Shabaab oo sanadihii u dambeeyay canshuur ka qaadayay shixnadaha ganacsi ee laga soo dejiyo Dekeda Muqdisho.

Shirkaddaha ka howlgala Dekedaha ayaa la faray in ciddii lagu helo falalka nuucaan ah loo aqoonsanayo inay si toos u taakuleeyaan Argagixisada, lagana qaadi doono tallaabooyin isugu jira mamnuucis shaqo iyo in lagala wareegayo ganacsigooda.

Arrintan ayaa daba socota walaaca uu todobaadkan muujiyay wasiirrka ganacsiga Soomaaliya oo sheegay in Shabaab helaan xogta shixnadaha saaran maraakiibta inta aysan soo dagin oo ay dakada ka qaadan ganacsatada, iyagoo Shabaab camshuurohooda sal uga dhiga xadiga alaabaha maraakiibta saaran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post