1338 Views

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 31, 2019 — Dagaalkaan oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo wada jira & Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni oo kamid ah deegaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland oo wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayey ay weerar kala kulmeen Xubno katirsan Al-Shabaab,sida ay sheegeen Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland.

 

Dad ku sugan deegaanka Baar-Sanguuni halkaas oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay Saldhig ku leeyihiin ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro dagaalkaas,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

 

Al-Shabaab ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen 5 Askari 9 kalena ay ku dhaawaceen wallow aysan jiin Warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay aan ka heleyno deegaanka Baar-Sanguuni iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland ay wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

 

Si kastaba dagaalka ka dhacay deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab kala wareegeen Degaannada Kaban, Bangeeni, Maano Muufo, oo 3KM ujirta  Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment