384 Views

Kuleylka daran iyo dabka saameeyay qeybo kamid ah Yurub

Kuleylka daran iyo dabka saameeyay qeybo kamid ah Yurub
____________________________________________________________________________

Talaado: July 19, 2022

Waddamada ku yaalla galbeedka Yurub ayaa la sheegayaa maanta oo Talaada ah iney wajahayaan kuleyl daran, iyada oo kuleylka uu ku sii socda waqooyiga qaaraddaasi.

Dalalka Faransiiska iyo Sapain waxaa lagaga dhawaaqay digniino la xiriir kuleylka, halka waqooyiga Spain laga diiwaan geliyey heer kul gaaraya 43 celcius.

Dhinaca kale, dabka ka kacay keyma ku yaalla Faransiiska, Portugal, Spain iyo Griigga ayaa horseeday in kumannan shacab ah ay guriyahooda ka qaxaan.

Inta badan Galbeedka Yurub waxaa ka sii socoda kulayl daran. Dhanka Koonfur-galbeed ee Faransiiska, kooxaha dab-damiska gobolka ayaa la dagaallamaya si ay u xakameeyaan dabka ku faafaya keymaha gaar ahaan xeebaha Atlantic.

Britain ayaa laga yaabaa inay wajahdo maalinteedii ugu kululeyd abid maanta oo (Talaado) ah iyadoo dadka saadaaliya cimilada ay tibaaxayaan in heerkulka uu gaari doono in kabadan afartan (40) darajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post