729 Views

Dowladda Jabuuti oo iska fogaysay eedayntii shalay ka timid Dubbe

Dowladda  Jabuuti oo iska fogaysay eedayntii shalay ka timid Dubbe
____________________________________________________________________________

April 23-2021

Saacado kadib markii Dowlada Waqtigeeda dhamaaday ay eedayn kala dul dhacday Dowladda Jabuuti ayaa waxaa arinraas ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, waxa uuna ku tilmamay eedeyntii shalay uga timid dowladda federaalka ee aheyd inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya mid been abuur ah. 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa ku eedeeyey Jabuuti iyo Kenya inay isku dayeen “inay farageliyaan” go’aankii Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya.

 “Aan si aad ah u caddeeyo, Jabuuti uma qalanto hadalladan oo kale. In Jabuuti lagu eedeeyo inay faro-gelineyso arrimaha Soomaaliya oo ay dhinac la jirto waa mid aan wax macno ah laheyn, oo waxyeeleyneysa qiyamkeena ku aadan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Ilyaas. 

“Aad ayaan u qiimeynaa waxa ay Soomaalia noo fashay. Sidaas darteed ma sameyn karno wax ka yar. Waa taas sababto ay wiilasheena ugu dhimanayaan dib u curashada Soomaaliya,” ayuu yiri. Jabuuti ayaa waxay ciidamo ka tirsan AMISOM ka joogaan Soomaaliya. 

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa siyaasad cadaawad leh kula dhaqmeysay Jabuuti, tan iyo markii ay saaxiibeen madaxweyne Farmaajo iyo kaligii-taliyaha Eritrea Isaias Afwerki, oo ciidankiisa ay xoog ku haystaan dhul ay leedahay Jabuuti.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post