1245 Views

Wasiir Ku xigeenka Amniga Puntland:Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso cid kasta

Wasiir Ku xigeenka Amniga Puntland:Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso cid kasta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 19,, 2019  –Maamulka Puntland ayaa ka dhawaajiyay hadal ku aadan in deeganada Puntland lagu gali doono Viiso, wixii hadda ka dambeeya, islamarkaana qofkii Viiso la’aan gala deeganada Puntland sharciga la horgeyn doono.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada amniga fasax ay u qabaan inay qabtaan ruuxii si sharcidaro ah ku soo gala deeganada Puntland.

Waxa uu sheegay qof kasta oo soo galaya deeganada Maamulkaasi in laga doonaayo Viiso sharci ah inuu ku soo galo.

“Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso,cid kasta oo tahriib iyo sharci –darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga Puntland.

Deeganada Puntland waxaa taga dad kala duwan oo Somali & ajaanib isugu jirta ka sokow dadka ajaanibta ah lama garanaayo sida ay ku suurageli karto dadka Somalida inay Viiso ku galaan deeganada Maamulkaasi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment