732 Views

Odayaasha ka soo Jeeda Dhusamareeb iyo Cadaado oo Heshiis hor dhac ah ka gaaray Dagaalkii Xanan-buurre.

Odayaasha ka soo Jeeda Dhusamareeb iyo Cadaado oo Heshiis hor dhac ah ka gaaray Dagaalkii  Xanan-buurre.
____________________________________________________________________________

Axad February 14/2/2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray Colaadii deegaanka Xanan-buurre.

Odayaasha ka kala soo jeeda dhinacyadii ku dagaalamayey deegaanka Xanan-buurre iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamul goboleedka Galmudug ayaa ku guuleystay colaaddii halkaasi ka taagneed in heshiis horudhaca laga gaaro.

Odeyaasha waxay sheegeen in wixi hadda ka dambeeya iney u gudbayaan sidi xal kama dambeys ah colaaddaasi looga gaari lahaa.

Salaad Cali Rooble oo ka mid ah odayaashii heshiiskaasi qaybta ka ahaa ayaa BBC-da u sheegay in hadda lagu guuleystay in la joojiyo xabadda isla markaana la sameeyay guddi ka kooban labada dhinac si heshiis kama dambeys ah looga gaaro xaaladda.

“Waxaa hadda ka hor lagu jiray in xabadda la joojiyo ciidankana la kala qaado ayadiina waa lagu guuleystay, waxaa la sameeyay guddi dhexdhexaad ah oo ka socda labada beelood iyo maamulka ka kooban in aan wax dambe meeshaas ka dhicin”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post