996 Views

DFS oo sheegtay in dagaal ka dhacay Balcad lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

DFS oo sheegtay in dagaal ka dhacay Balcad lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 30, 2021

War ka soo baxay taliska Militariga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga ay degmada Balcad ku dileen ugu yaraan sagaal xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo saakay weerar ku qaaday qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Taliska Ciidanka xoogga Dalka oo la hadlay Wakaalada Wararka ee SONNA ayaa sheegay in madaafiicda iyo rasaasta ay adeegsanayeen Al-shabaab ay ku dhinteen shan qof oo rayad ah, halka dad kalena uu dhaawac soo gaaray.

Taliska ayaa sheegay meydadka xubno ka tirsan Al-shabaab aya daadsan yihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Xaaladda magaalada ayaa hadda daggan, waxaana soconaya howl-gallo ay ciidamada Xoogga ka wadaan degmada Balcad ee gobolka shabeellada Dhexe, kuwaasi oo ay ku baadi goobayaan xubno ka tirsan Al-shabaab

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post