465 Views

Hay’adda sirdoonka gudaha ee Israa’iil oo xidhay shan qof oo Israa’iiliyiin ah oo u basaasayeen Iran.

Hay’adda sirdoonka gudaha ee Israa’iil oo  xidhay shan qof oo Israa’iiliyiin ah oo u basaasayeen Iran.
____________________________________________________________________________


khamiis:January 13, 2022

Hay’adda sirdoonka gudaha ee Israa’iil ayaa xidhay shan qof oo Israa’iiliyiin ah oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen cadawgeeda soo jireenka ah ee Iran.

Kiiskan ayaa waxaa ku lug leh afar dumar ah oo Yuhuudi ah oo asal ahaan ka soo jeeda Iran, kuwaas oo Shin Bet ay sheegeen in uu shaqaaleysiiyay maamule sheeganaya inuu yahay nin Yuhuudi ah oo ku nool Iran.

Haweenkan ayaa la sheegay in la siiyay lacag kumanaan dollar ah si ay sawirro uga qaadaan goobo xasaasi ah, ayna ula socdaan sida ay u socdaan howlaha amniga, iyo in ay xidhiidh la sameeyaan siyaasiyiinta.

Qareenada u doodaya haweenkan ayaa sheegay in aysan garaneyn in ninkaasi uu yahay nin Iran u dhashay iyo in kale

Waxay sidoo kale ku adkaysteen in haweenku aysan wax niyad ah u haynin inay waxyeelleeyaan ammaanka Israa’iil.

Laakiin Shin Bet ayaa sheegtay in tani ay tahay “kiis halis ah” oo uu jiray qorshe la doonayay in lagu sameeyo shabakad basaasiin oo Iran ah oo ka hawlgasha gudaha Israa’iil, haweenkana ay wajahayaan “eedeymo xun”

.

Ninkan Iran u dhashay oo isku magacaabay Rambood Namdar, ayaa la sheegay inuu dumarka kula xidhiidhay Facebook ka dibna uu sii joogteeyey xidhiidhkaas muddo dhawr sano ah isaga isticmaalaya sida oo kale adeegga fariimaha qarsoon ee WhatsApp.

“In kasta oo ay haweenku ka shakiyeen in ninka la sheegayo uu ka tirsan yahay sirdoonka Iran, qaarkood waxay xidhiidh la sameeyeen isaga, waxayna ku heshiiyeen inay qabtaan hawlo kala duwan oo uu waydiistay iyaga oo lacag ka helayey” ayay sheegeen Shin Bet – Wakaaladda Sirdoonka ee Israeli.

Sida ay sheegtay wakaaladdu, haweenay 40 jir ah oo deggan xaafadda Tel Aviv ku taal ee Holon ayaa ogolaatay inay sawirro ka qaadaan safaaradda Maraykanka xilligaas oo ay ku sugnayd magaalada, iyo sidoo kale a dhismayaasha wasaaradaha arrimaha gudaha iyo arrimaha bulshada ee Israa’iil iyo xarun ganacsi oo kale

Maamulaha ayaa sidoo kale ka codsaday haweeneydaas inay u sheegto wiilkeeda inuu ku biiro sirdoonka millatariga Israel inta lagu jiro shaqadiisa milatari ee lagamamaarmaanka ah, taas oo ay maran ardaydu, sida ay sheegtay.

Haweeney oo jirta da’aadda 57 kana timid magaalada Beit Shemesh ayaa lagu eedeeyay in ay wiilkeeda ku dhiirigelisay inuu u shaqeeyo sirdoonka militariga oo aysida oo kalena gudbiso dukumentiyo ciidan oo uu isagu leeyahay.

Haweeneydan ayaa la faray in ay samayso koox ay ku caweeyaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee asalkoodu ka soo jeedo Iran si ay u ururiyaan xogtooda gaarka ah, waxaanay isku dayday in ay saaxiib dhow la noqoto haweenay xubin ka ah baarlamaanka Israa’iil, sida ay sheegeen Shin Bet.

Waxa kale oo la sheegay in ay ku rakibatay kamarad qarsoon qolka daliigista jidhka ee gurigeeda, si ay u ururiso muuqaaladaas oo laga yaabo inay ku ceebayso macaamiisha halkaas.

“Dowladda Israa’iil waxay olole joogto ah kula jirtaa Iran. Way caddahay: waxaan aragnaa dadaallo aan dhammaad lahayn iyo isku dayo ay sameeyeen Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ay ku doonayaan inay ku qortaan muwaadiniinta Israa’iil,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Naftali Bennett.

“Iskudayadani waa kuwo ka baxsan amniga iyo sirdoonka; waxay ku sii fidayaan dadaallada lagu doonayo in lagu saameeyo muwaadiniinta Israa’iil iyo bulshada Israa’iil, lagana dhex beero fidno iyo khalkhal, arrimahaasina waxay wiiqayaan xasilloonida siyaasadeed ee Israa’iil waxayna dhaawacayaan kalsoonida shacabku ku qabaan dowladda,” ayuu raaciyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post