1746 Views

Magaalada Jowhar oo lagu soo bandhigay seddax dhalinyaro ah oo ka tirsanaa jiray kooxda Al-Shabaab.

Magaalada Jowhar oo lagu soo bandhigay seddax dhalinyaro ah oo ka tirsanaa jiray kooxda Al-Shabaab.
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 22, 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle ayaa sheegaya in galabta halkaas  lagu soo bandhigay seddax dhalinyaro ah oo ka tirsanaa jiray kooxda Al-Shabaab.

Dhalinyarada lagu soo bandhigay Jowhar ayaa sheegay inay ka soo goosteen Al-Shabaab, iyagoo isku soo dhiibay ciidanka Nabad sugidda ee ka howlgalla gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in maamulka jowhar Seddaxdaan dhalinyarada ah ay ku sheegeen Magacyadooda  Cali Cabdullaahi, Cabdullaahi Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdullaahi Maxamed ayaa sababta ay isku soo dhiibeen waxay ku sheegeen in dhibaato badan ay kala kulmeen ka tirsanaanta Al-Shabaab.

Sidoo kale Waxay sheegeen inay u adkeeysan waayeen dhibaatooyinka ay la kulmaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan ku jira dhulka howdka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post