399 Views

Zelensky oo ku eedeeyey Ruushka dambiyadii ugu xumaa tan iyo dagaalkii labaad ee addduunka

Zelensky oo ku eedeeyey Ruushka dambiyadii ugu xumaa tan iyo dagaalkii labaad ee addduunka
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 6, 2022


  Xoghaya Guud ee NATO Jen Stotenberg ayaa sheegay in isbaheysigaasi uu ka rajeynayo Ruushka in ay isku dayeyso in ay qabsadaan gobolada dhinaca bari ee Ukraine ee Donbas labada toddobaad ee soo socda .

Maraeykanka ayaa isna oggolaaday boqol milyan oo Doolar oo dheraa ah oo kaalmo militari ah oo la siiyo Ukraine.

Dhinaca kalena Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku eedeeyey ciidamada Ruushka in ay sameeyeen dambiyadii ugu xumaa tan iyo dagaalkii labaad ee addduunka .

Zelensky ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaraada Midoobay in dad rayid ah la dilay ayna taangiyada Ruushka ay dad dulmareen weliba iyadoo ciidanka la socday taangiyadaas ay ku raaxysanayeen arrintaa

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post