675 Views

Xubin sare oo ka tirsanayd safaaradda Switzerland Tehran oo dhimatay ka dib markii ay ka soo dhacday dabaq dheer.

Xubin sare oo ka tirsanayd safaaradda Switzerland Tehran oo  dhimatay ka dib markii ay ka soo dhacday dabaq dheer.
____________________________________________________________________________

May 4, 2021

Xubin sare oo ka tirsanayd safaaradda Switzerland ee Tehran ayaa dhimatay ka dib markii ay ka soo dhacday dabaq dheer oo ay deganayd, sida warbaahinta Iraan ay werineyso.

Qof ka tirsan laanta gurmadka degdegga ah ee Tehran, wuxuu wakaaladda wararka ee Mehr u sheegay in haweeneyd ay ahayd 51-sano jir, ayna ahayd Agaasimaha Koobaad ee safaaradda, balse ma uusan sheegin magaceeda.

Booliska ka howlgala xaafadda Kamraniyeh ee Tehran ayaa hay’adda gurmadka degdegga ah ku wargeliyay in ay soo gaaraan haweeneyda, subixii Talaadada. Balse “mar hore ayeyba dhimatay”, ayuu yiri.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Switzerland ayaa xaqiijisay in qof ka tirsanaa shaqaalaha safaradda uu ku dhintay shil.

“Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Madaxada Golaha, Ignazio Cassis, waxay ka argagexeen geerida, waxayna uga tacsiyeynayaan qoyska,” ayuu yiri afhayeen u hadlay.

Wasaaradda waxay sheegtay in ay la xiriirtay qoyska iyo maamulka Iran.

Balse ma aysan bixinin faafaahin dheeraad ah oo la xiriirta waxa sababay geerida, waxayna arrintaa u sababeeyeen ilalinta xogta iyo arrimo gaar ah.

Switzerland waxay sidoo kale meteshaa arrimaha diblumasiyadeed ee Mareykanka uu ka leeyahay Iran. Arrintaas waxay soo billaabatay tan iyo markii uu xumaaday xiriirka labada dal ee 1979-kii, curashadii kacaanka Islaamiga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post