1422 Views

Mozambique oo maxkamadayneysa eedeysanayaal ay ka mid yihiin Soomaali

Mozambique oo maxkamadayneysa eedeysanayaal ay ka mid yihiin Soomaali
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 05, 2018 –189 qof oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin kooxo Islaamiyiin mayalka adag ayay Maxkamad ugu billaabaneysaa maalinta Arbacada dalka Mozambique, sida ay daabacday wakaaladda Wararka ee AFP.

Maxkamadda ayaa ugu billaabaneysa eedeysanayaashan Khaymad ku taalla xabsigii ay ku jireen dhexdiisa, iyadoo xubnahani lagu soo eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarro ka dhan ah Ciidanka Boliiska iyo dad rayid ah oo ka dhacay Gobolka Cabo Delgado.

Eedeysanyaashan ayaa ka soo kala jeeda Waddamada, Mozambique, Tanzaniya, Congo, Soomaaliya iyo Burundi, waxaana ka mid ah 189-ka Qof ee ay Maxkamaddu ugu billaabatay dalka Mosambiik 42 Haween ah.

Waxaa lagu eedeeyay dadkan dambiyo ay ka mid yihiin dilka, isticmaalka Hubka la mamnuucay, falal ka dhan ah amniga Qaranka iyo qal-qal gelinta dadweynaha.

Sanad ka hor ayay ahayd markii ay Kooxo ku hubeysan Garnaylo iyo Mindiyo ku dileen gudaha dalka Mozambique in ka badan 50 Qof, kuwaas oo oo ku doodaya inay shareecada Islaamka ka hirgelinayaan degaannada ay Muslimiintu ku badan yihiin ee dalkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment