1872 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeeray Golaha Amniga Qaranka

Madaxweyne Farmaajo Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeeray Golaha Amniga Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 08, 2018–MMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Shirkaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.

Qodobbada looga hadli doono shirka waxaa kamid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan doonaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment