1065 Views

Ciidamo horleh oo Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Ciidamo horleh oo Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 1, 2019 –Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug inay gaaran Ciidamo horleh oo ka socda Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Dowladda Itoobiya.

 

Ciidamadaan ayaa ka mid noqon doona Ciidamada AMISOM ee ka qeyb qaaanaya Amniga Magalada Dhuusamareeb iyo deegaannada kale ee Galmudug,halkaas oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo doorashada hoggaanka Galmudug.

 

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Risaala u xaqiijiyay in Maanta Ciidamo itoobiyaan ah in la geynayo Magalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug.

 

Shalay oo Sabti aheyd ayaa waxaa Magalada Dhuusamareeb gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Hiil Walaal ee Jabuuti,kuwaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment