888 Views

Ruushka oo duqeeyey 400 oo goobood oo Ukraine ku yaalla.

Ruushka oo duqeeyey 400 oo goobood oo Ukraine ku yaalla.
____________________________________________________________________________

Sabti: April 30, 2022


Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay ciidamadeedu duqeeyeen ku dhawaad 400 oo bartilmaameed oo ay cadowgooda leeyihiin.

Ruushkana wuxuuna sheegay duqeymaha uu ku hayo fariisimaha militariga Ukraine inuu sii wado ilaa uu libin ka gaaro duullaanka uu Ukraine ku qaaday.

Barasaabka gobolka Luhansk ee ku yaalla bariga Ukraine wuxuu sheegay inaan la iisu dhiibin duqeymaha Ruushka uu ka wado gobolkaasi, aysan u suurtagelin in ay jebiyaan goobaha difaaca ee Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa todobaadkan sheegay in khatarta iska horimaadka Nukliyeerka ay tahay “mid la taaban karo” wuxuuna ku andacooday in gaashanbuurta NATO ay ku jirto dagaal wakiilnimo oo ay Ukraine garab ku siinayaan.

Madaxweyne Biden ayaa ku tilmaamay hadallada noocaas ah kuwo “mas’uuliyad-darro ah.”

Sirdoonka millatariga Ingiriiska ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay wali wajahaan caqabado la xidhiidha dhanka isku duwidda xeeladda dagaalka ah, iyo taageera joogta ah oo dhinaca cirka oo ay ciidamadoodu haysan.

 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post