408 Views

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Safiirka Mareykanka

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Oo  Kulan La Qaatay Safiirka Mareykanka
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 21, 2022

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Been-Beena iyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mohamed Dubo, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry E. André iyo Sarakiil ka tirsan USAID.

Wasiirka iyo safiirka, ayaa waxa ay ka wada hadleen qodobo dhowr ah oo  ay ka mid yahiin: Arrimaha Horumarinta, gargaarka, amniga, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan, ayaa hoosta ka xariiqay in baahida loo qabo in xoogga la saaro iskaashiha horumarinta dhaqaalaha, Sare u qaadista u adkeysiga Soomaaliya ee Aafooyinka iyo in sidoo kale Sare loo qaado Iskaashiga lagu xasilinayo amniga dalka.

Danjire André, ayaa hoosta ka xariiqay ka go’naanshaha Mareykanka si loo sugo Amniga dalka, isaga oo boggaadiyay howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ka wadaan gobollada dhexe ee dalka.

Labada dhinac waxa ay isla garteen joogteynta xiriirada iyo iskaashiga Horumarinta Dhaqaalaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post