852 Views

Qaar ka mid ah Musharixiinta Mucaaradka Oo Ku wajahan Garoowe

Qaar ka mid ah Musharixiinta Mucaaradka Oo Ku wajahan Garoowe
____________________________________________________________________________

Magaalada Garoowe ee Xarunta DG Puntland waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay gaaraan qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 si ay kulamo ula yeeshaan Siciid Deni & ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

Xubnaha Musharixiinta ee maanta tagaya Garoowe waxa ay Madaxweyne Deni kala Garramayaan welwelka ay ka qabaan Khilaafka Doorashada, gaar ahaan Diidmada Musharixiinta & Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale waxa ay iska xog-wareysanayaan sida laga yeelayo doorashada uu ku dhaqaaqayo qabashadeeda Guddiga kala dhiman oo Jadwal cusub u dejiyay, maalmaha soo socdana lagu bilaabayo doorashada Aqalka sare.

Musharixiinta & Madaxda DG Puntland ayaa dejinaya qorshe siyaasadeed ay ku wajahayaan xaaladda is jiid-jiidka ah ee ku gedaaman Doorashada 20/21 sida Hiiraanweyn ay kasoo xigatay ilo kala duwan.

Kulanka hordhaca ah haddii uu meel wanaagsan gaaro waxaa ku biiraya Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) & xubnaha kale ee Musharixiinta ah si qorshe cusub loo dejiyo.

Bartamihii December 2020 waxaa guul-darro ku dhammaaday kulamo saacado kala duwan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda oo dhinac ah, Madaxweyne Deni & ku xigeenkiisa Karaash oo dhanka kale ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post